Hayaankii Guurka iyo Caqabada Faqriga
Hamiga guurka 2009 bilaabay waxaan guurkii koobaad sameeyay 2010 bishii 2aad, markaan hoyn kari waayay 2010 8 aad, haddana hayaankaygii 2015 bishii 3aad kala tagnay 2016 8aad, haddana hayaankii guurkayga 2023 bishii 11, 2 usbuuc ka dib.
Sababaha qof dan yare ah oo qoys danyare ka soo jeedaa oo caawin helayn
Qoys danyare, qof dan yare ah oo aan helin taageero, waxaa imanaya caqabado badan oo dhaqaale iyo fursad la'aan. Waxay saameyn ku yeeshaan guurka, waxbarashada iyo horumarka nolosha.
Maan jeclayn inaan baahidayda muujiyo
Maan jeclayn inaan baahidayda muujiyo ilaa 38 sano maraayo maan jabin caqabada faqriga iyo nolosha guurka waxaanan guurkii 1aad 21 sano, guurkii labaad 26, 3aad 35.
Jacaylka iyo Faqriga
Gabadh kasta marka aan Jacaylka wada dhisno ee aan guur u badal is idhaahdo waxaa imanaysay caqabada faqriga iyo qoys I caawiya oo aan jirin. Jacaylka iigu darnaa waa niciima oo burco, oo ahayd gabadh dheer oo alle dhameystiray oo heer Jacaylka ii qaaday sareeyay oo aan xaqiijin waayay, habeenkii ugu yaraan 1 iyo badh muddo 2 sano iyo sideed bilood, waxaa jiray laba gabdhood ubax, sagal iyagana xidhiidh dheer ka dib waa lakala guursaday, niciima waa la guursaday, xataa waan ooyay maan seexan habeenkii 10 habeenimo lay sheegay 2020 bishii 2aad habeen jimce ah, haddana 2021 xamda gabadh dheer laakiin la soo furay iyadana lacag samee ku fikiray intaan halgamaayay nin kale Jacayl ku beeray.
Guud ahaan casharada laga baran karo
Casharada laga baran karo waxaa ka mid ah: Dulqaad, Halganka, Fahamka Xaaladda, Xiriirka Qoyska, Xoojinta Jacaylka iyo Dadaalka. Waxay sidoo kale cashar ka tahay sida loo maareeyo caqabadaha dhaqaale iyo jacaylka.